Gudoomiyaha Cusub Gobolka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta Shir-gudoominyay kulan an caadi eheyn oo aay iskugu yimaadeen Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmooyinka iyo Saraakiisha Amaanka qeybood kala duwan oo lagu qabtay magaalada baladweyn.
Kulanka oo looga hadlyay Adkeeynta amaanka dardargalinta howlgalada kasocoda Gobolka iyo wada-shaqeyn dhaxmarto Gudoomiyaha Cusub Gobolka iyo Maamulka intiisa kale ayaa dhacay Xarunta Madaxtooyada Magaladda Baladweyne,
waxaa kaloo kaqeybgalay shirkan iskudwayaasha Wasaaradda Hirshabelle ee Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Baladweyne, Maxaas, Moqokori,Farlibaax, Halgan iyo jalalqasi








