Saturday, October 17, 2026
HomeWararDibaddaGuddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo si wadajir ah u magacaabay...

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo si wadajir ah u magacaabay Guddiyo cusub{AKHRISO}

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wadajir ah u magacaabay guddiyo cusub.

Guddiyada cusub oo ay magacabeen labada guddoomiye ayaa ah kala ah guddiyada saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanada dalalka Qadar iyo Kuwait.

Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar ayaa ka kooban 9 xubnood, halka guddiga saaxiibtininada Baarlamaanka Soomaaliya ee dalka Kuwait uu isna ka kooban yahay 5 xubnood.

Guddoonka ayaa faray xoghayeyaasha guud ee labada Aqal in magacaabistan ay sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbiyaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanada dalalka Qatar iyo Kuwaut.

Hoos ka akhriso magacaabista Guddiyada oo dhameystiran:-

 
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe