Home Barnaamijyo Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay.

Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay.

171
?????????????????????????????????????????????????????????

Guddoomiyihii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay.

Wararka laga helayo Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabelelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow qarax Miino lala eegtay guddoomiyihii Degmadaas Maxamed Yarow.isla markaana qaraxaasi uu u geeriyooday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey in qarax miino oo loo dhigey uu gudaha degmada Awdheegle ugu geeriyooday Guddoomiyihii degmadaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Awdheegle ayaa waxaa ay hataan howlgal ka wadaan gudaha Degmadaas gaar ahaan halka uu qaraxa ka dhacay.