Thursday, April 24, 2025
HomeWararGuddoomiyeyaasha Magaaladda Gaalkacyo Oo Amray in La qaato Lacagta Sh/Soomaaliga.

Guddoomiyeyaasha Magaaladda Gaalkacyo Oo Amray in La qaato Lacagta Sh/Soomaaliga.

Gudoomiyeyaasha magaalada Gaalkacyo ee maamulada Puntland iyo Galmudug oo maanta Kormeer ku sameeyay Suuqyadda Magaalada Gaalkacyo ayaa Go’aamo adag kasoo saaray dhibaatada maalmihii lasoo dhaafay Shacabka Gaalkacyo ka heysatay diidmada lacagta Shilinga Soomaaliga.

Gudoomiyaha Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barrre ayaa sheegay in ay saakay Kormeereen Suuqyadda Magaalada Gaalkcyo,islamarkaana ay amar ku bixiyeen in Ganacsatadda ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin dadka Shacabka in dhibaato loo geysto oo ganacsato ay lacagta ku dhibaateeyaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa dhankiisa  sheegay in ay tahay nasiib daro in lacagta Shilinga Soomaaliga laga diido Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay Tumay in ay halis ku tahay arintaasi dadka danyarta ah ee kunool Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ay maxkamad keeni doonaan ciidii diida lacagta Shilinga Soomaaliga,islamarkaana dhammaan ay la hadleen Ganacsatadda Gaalkacyo.

Ganacsatadda Gaalkacyo ayaa shalay diiday qaadashadda lacagta Shilin Soomaaliga ka dib markii ay sheegeen in lacago Faaliso ah ay Magaalada soo galeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe