Wednesday, March 19, 2025
HomeWararGuddoomiye Mahad Cawad Oo kormeer ku Tagay Xarumaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mahad Cawad Oo kormeer ku Tagay Xarumaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta koormeer shaqo ku tagay xarumaha golaha shacabka.

Guddoomiye Mahad ayaa ugu horeyn koormeeray xarunta golaha shacabka oo howlo dib u dayactir ah ay ka socdaan, sidoo kalena xafiisyada qaar iyo wejiga hore ee dhismaha xarunta lagu sameynayo dayactir iyo qurxin.

“Waxaa maanta sharaf noo ah in aan manta koormeer balaaran ku soo sameyno xarumaha golaha shacabka oo aan ka soo bilowno xarunta weyn ee golaha shacabka, kuna soo gaba gabeyno xarunta Villa Hargeysa oo ah xarunta guddoonka iyo guddiyada.” Ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa intii uu koormeerka waday la kulmay Injineerada iyo shaqaalahaka shaqeynaya howlaha dayactirka iyo dhismaha.

“Waxaan xog wareystay Injineerada dhisaya xarunta Villa Hargeysa oo si kmg ah golaha ugu shaqeyn doono, waxaan ay ii sheegeen in howshu ay si wanaagsan ku socoto, talooyin ayaa ku darsaday howsha ay wadaan maadaama aan rabno in xarunta ay la mid noqoto kuwa baarlamaanada caalamka ay yihiin” Ayuu mar kale yiri Guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn guddoomiye Mahad ayaa la kulmay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee golaha iyo agaasimayaasha oo uu ka xog wareystay xaaladaha ay ku sugan yihiin.

“Intii aan koormeerka waday waxaa la kulmay ciidamada iyo agaasimayaasha qaar, waxay ii xaqiijiyeen iney heleen bishii la soo dhaafay mushaaraadkooda mida hada socotana ay heli doonaan arrintaas aad ayay noo farxad gelisay waxaana ugu mahad celineynaa howshaas wasaarada Maaliyadda” Ayuu ugu dambeyn yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe