Home Warar Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Garoowe

122

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka.

Wafuuda kala duwan ee maanta tegay Magaalada Garoowe iyo kuwo la filayo inay maalmaha soo socda gaaraan  ayaa dhammaantood ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kasii horreeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Musharixiinta, kuwaas oo ka qeyb-galaya Shirka Garoowe.