Sunday, April 12, 2026
HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Buulo-Burde u tegaya xalinta khilaaf jira

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Buulo-Burde u tegaya xalinta khilaaf jira

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiran Cali jeyte Cismaan iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan degmada Buulo-Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.

Ujeedka safarkooda ayaa waxaa lagu sheegay sidii lagu xalin lahaa khilaf soo kala dhex-galay Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada Jabuuti ay Maamulka ku hayaan faragelin dhinaca Maaliyadda ah , taas oo keentay in degmada Buulo-Burde laga dareemo xiisad u dhaxeeysa labada dhinac.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiran Cali jeyte Cismaan ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Buulo-Burde iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti si xal looga gaaro khilaafka soo kala dhex-galay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe