Friday, April 25, 2025
HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dil ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dil ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayaa arka hore digniin u diray ragga Burcadda ah ee dhaca iyo dilalka u geystay dadka Shacabka ah.

Waxaa uu sheegay in ragga Burcadda ah ee dhaca geysanaya ay yihiin kuwo isicmaalay waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu uga digay inay sii wadaan dhicida dadka shacabka ah.

Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay dil xalay Xaafada Xaliimo Hiite ee degmada Kaaraan loogu geystay Darawal Mooto Bajaajle ahaa, waxaan uu sheegay in qofkii ka dambeeyay gacanta lagu dhigay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) waxaa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan Nin xalay weerar bambaano ka geystay Magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe