Guddoomiyaha Maamulka GobolkaBanaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa Digniin ka soo saaray Dadka sida gaarka ah u Isticmaala Dhulka Danta Guud ee Gobolka Banaadir.
Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay in la gaaray xilligii la baneyn lahaa dhammaan dhulka danta Guud islamarkaana aan la aqbali doonin in shaqsiyaad si gaar ah u dhistaan dhulalkaasi.
Waxaana hadalkaan uu jeediyay xilli amar Xafiiskiisa ka soo baxay lagu bur buriyay Darbi laga dhisay dhulka loo yaqaanno PIASO Libro ee ku yaalla degmada Xamar Jajab kaas oo ah dhul Dan Guud ah.
Tallaabada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dambeysay kadib Cabasho in dhawaanahaan ka taagneed Garsoorka dalka iyo is qab qabsi ku aadan Dhulalka.