Thursday, July 16, 2026
HomeWararDibaddaGuddoomiyaha Dhuusamareeb: “Waxaa loo gudbay Istaraatiijiyad sax ah oo lagula dagaalamayo Khawaariijta...

Guddoomiyaha Dhuusamareeb: “Waxaa loo gudbay Istaraatiijiyad sax ah oo lagula dagaalamayo Khawaariijta ‘AS’ si guud ahaan dhulka looga saaro”.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Cabdirixmaan Cali Axmed Geeda Qorow ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug uu sii soconayo isaga oo tilmaamay in la adkeynayo amniga goobaha la qabto.

Cabdiraxmaan Geedi Qorow ayaa shaaciyay in wax badan laga baddelay qorshaha dagaalka maadaama markii hore la beegsanayay Magaalooyinka & Degmooyinka waaweyn oo marka gacanta lagu dhigo dib ay uga dhacayeen dagaallo ‘AS’ ay geystaan.

Si looga gudbo dagaallada dib ula kacleynta ah ee ‘AS’ ayuu Guddoomiyaha Dhuusamareeb sheegay in markaan la qorsheeyay in ugu horreeyn la qabto tuulooyinka ka sokeeya Magaalooyinka ay beegsanayaan ciidamada.

Arrintaan ayuu ku sifeeyay tallaab meesha ka saraareysa in ‘AS’ ay kusii sugnaadaan tuulooyinka u dhaxeeya Magaalooyinka waa weyn ee Ciidamadu ay ka duullaan tegayaan si ay markale u abaabulaan weerarro ka dhanka ah Ciidanka waa sida uu yiri.

“Waxaa loo gudbay Istaraatiijiyad sax ah oo lagula dagaalamayo Khawaariijta, waxaa horay loo bartay in la tago ama la dhaho magaalo hebel ayaa la qabtay ee loo qasdo in magaalo weyn iyada oo Nimankii dhabarka jiraan oo meelihii laga soo gudbay meelo kamid ah ay joogaan oo hadhow dhibaaato weyn ciidamadu ku dhacdo ama dib looga soo baxo oo sidaas niyad-jab weyn ku noqoto, istaraatiijiyaddaas waa laga gudbay oo waxaa la isku xirayaa guud ahaan dhulka” Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geeda Qorow.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya & kuwa Deegaanka ayaa dib uga baxay Magaalooyin ay horay uga qabsadeen ‘AS’ halka deegaannada ay ka dhaceen weerarro rogaal-celis ah oo ‘AS’ ku qaaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe