Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame iyo Xoghayaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi ayaa galabta ka qaybgalay furitaanka xarunta xanaanada Carruurta ee Misbaax oo galabta laga furay degmada Cadaado.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo wasaaradda waxbarashada Galmudug uga mahadceliyey inay Cadaado u xulatay mashruucan ayaa balan qaaday in maamulka degmadu uu kaalin wayn ka qaadanayo sidii xaruntan loo horumarin lahaa loogana faa’iideysan lahaa.
Maxamed Xaashi Dhoorre wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in wasaaraddu ay xaruntan u diyaarisay macalimiin xirfad gaar ah u leh tarabiyada Carruurta, waxaana uu bulshada Cadaado ku dhiirri galiyey inay ka faa’iideystaan.
Xaruntan ayaa qaata ilaa 120-Carruur ah, waxaana loogu tagalagalay in lagu siiyo xanaano, waxbaridda iyo tarabiyada, sidoo kalena ay heli doonaan cunno inta ay xarunta joogaan.
wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Galmudug Xasan Cascaseey, wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadda ka haday ayaa fursad muhiima ku tilmaamay hirgalinta xaruntan, iyagoo soo jeediyey in bulshada Cadaado ay dhamaystiraan waxyaabaka ka dhiman oo uu ka mid yahay gaarigii carruurta qaadi lahaa.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

