Home Warar Guddoomiyaha Aqalka Sare & C/ Kariim Guuleed oo ka wada-hadlay Arrimo xasaasi...

Guddoomiyaha Aqalka Sare & C/ Kariim Guuleed oo ka wada-hadlay Arrimo xasaasi ah

102

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Xubno ka tirsan Dowladda, kulamadaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha xisbiga Sahan Cabdikariim Xussein Guuleed , iyaga oo ka wada hadlay Arrimo ku saabsan xaalada.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagusoo xulo hannaan lagu wada qanacsan yahay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo.

Guddoomiyaha Xisbiga Sahan Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.