Thursday, July 16, 2026
HomeWararGudahaGuddiga Maxabannaan ee Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in ay billaabatay tirinta codadka...

Guddiga Maxabannaan ee Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in ay billaabatay tirinta codadka la dhiibtay

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in ay socoto tirinta codadka ay dhiibteen Dadkii ka codeeyay Doorashadii shalay ka dhacday ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdikariim ayaa xusay in saacado ay qaadan karto Natiijada maadaama goobo kala duwan laga codeeyay lagana soo qaaday sanaadiiqda codbixinta, waxa uu ballanqaaday ka guddi ahaan in marweliba ay Shacabka la wadaagi doonnaan xogaha arrintaas la xiriira.

Cabdikariim Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa bogaadiyay Dadkii codeeyay ee raacay nidaamka codbixinta, Ciidamada ilaaliyay Nabadgalyada iyo Cid Weliba oo gacan ka gaysatay arrintaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe