Sunday, May 31, 2026
HomeWararGuddiga doorashooyinka Heer Federaal oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo Xubno kamid ah Guddiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho kulan kula qaateen qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in waqtigeeda lagu qabto doorashada Golaha Shacabka oo lagu kalsoonaan karo si waafaqsan war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii  dhowaan ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa Wakiilada Beesha Caalamka siiyay warbixin la xiriirta hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo sida ay muhiimka u tahay in doorashada waqtigeeda lagu soo geba gabeeyo.

Xubno Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda Guddoomiyaha ugu baaqay inay dardar geliyaan doorashoohinka Golaha Shacabka, isla markaana waqtiga loo asteeyay aysan dhaafin.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda doorashooyinka Golaha Shacabka oo cabasho badan ay ka imaaneyso, waxaana Wakiilada Beesha Caalamka ay isha ku hayaan sida ay ku socdaan doorashoyinka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe