Wednesday, July 1, 2026
HomeWararGudahaGuddiga Doorashada oo shaaciyay dhawaan la qaban doono Doorashada Duqa Muqdisho

Guddiga Doorashada oo shaaciyay dhawaan la qaban doono Doorashada Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaan galiyay ku dhawaad 1 milyan oo shacabka ku nool Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona in ay codeeyaan.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muddo ka dhoor sugaya Doorashada qof iyo codka ah

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Laascaanood ilaa Xudur ay ka socoto diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah, dhawaana la filayo in la soo gaba gabeeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in dalka ay ka qabsoonto Doorasho qof iyo cod ah, gaar ahaan in ay shacabka Muqdisho helaan Maamul matala.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe