Home Warar Goobaha banaanbaxayaasha Sabtida isugu imaan doonaan oo la shaaciyay

Goobaha banaanbaxayaasha Sabtida isugu imaan doonaan oo la shaaciyay

191

Guddiga Abaabulka Banaanbaxa Midowga Musharixiinta oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa shaaciyay baraha ay isugu imaan doonaan Banaanbaxayaasha iyo qaabka ay ku tagi doonaan fagaaraha Daljirka Daahsoon.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro hore, xildhibaano, wakiilo ka socday Midowga Musharixiinta iyo team ka socday xisbiyada oo qeyb ka ah abaabulka Banaanbaxa.

Isgoysyada ay banaanbaxayaasha isugu tegi doonaan Maalinta Sabtida ah ayaa waxaa ay kala yihiin.

Isgooska Fagax
Isgooska Siinaay
Isgooska Mirinaayo
Isgooska KM4
Iyo Isgooska Zobe ayey shaaciyeen guddiga in ay yihiin baraha Banaanbaxayaasha kasoo bixi doonaan ee ay ku tagi doonaan fagaaraha Daljirka Daahsoon.