Dunida aan maanta joogno waxaa ka jira dhaqamo iyo caadooyin la yaab leh oo dadka qaarkii ay si joogto ah u sameeyaan, waxaana ugu daran dhaqamada guurka oo meelaha qaar lagu arko falal cajaa’ib leh oo ay qowmiyadaha qaar si joogto ah ugu dhaqmaan.
Dalka India oo haatan ah kan ugu dadka badan dunida ayna ku noolyihiin qowmiyado kala duwan xagga dhaqanka iyo diinta ayaa waxaa ka jira gobolka Bihar ee dalkaas dhaqan la yaab leh oo muddo badana soo taagnaa kaas oo lagu magacaabo “Pakadaua Vivah” micnihiisuna yahay guurka afduubka ah oo ay sameeyaan gabdhaha gobolkaas marka wiil ay doonayaan inay guursadaan.
Ficilkan ayaa gabadha u saaxamaya inay afduubato wiilka ay rabto inay guursato, xitaa haddii uusan isagu guur diyaar u ahayn, amaba danaynaynin inuu la aqalglo, hase ahaatee markan ma shaqaynayo rabitaanka wiilku oo waxaa ka wayn caadada gabadha ku saacidaysa inay afduub samayso, aysana la kulmin wax ceebayn ah ama maxkamadeyn ah.
Arrinta kale ee la yaabka leh ayaa ah in dhaqanka ka jira gobolka Bihaar, uu yahay in Qoyska gabdha dhalay ay ku caawinayaan afduubka wiila ay calmatay, islamarkaana ay diyaarinayaan xoolo badan oo loo qoondeynayo meherka wiilka iyo yaradkiisa.
Dalka india sharci ahaan sax maaha guurka qasabka ah, hase ahaatee waxaa sanad kasta dhaca kumanaan afduub oo lagu soo xero gashanayo wiilal wax bartay oo gabdho kalinimada ku daalay ay calmadeen.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Diiwaanka Dembiyada Gobolka, 7,194 kiis oo guur qasab ah ayaa laga soo sheegay gobolka intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Noofambar ee sannadkii 2020kii, 10,925 sannadkii 2019, 10,310 sannadkii 2018, iyo 2017 oo la diiwaan galiyey 8,972 kiis oo guurka afduubka ah.