Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaGobolka Amxaarada oo ay dib uga soo cusboonaatay colaad u dhaxeeysa Ciidanka...

Gobolka Amxaarada oo ay dib uga soo cusboonaatay colaad u dhaxeeysa Ciidanka Federaalka iyo Kooxo hubeysan.

Ismaamulka Amxaarada waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Federaalka Itoobiya & Kooxaha hubeysan ee Gobolkaas ku sugan kaddib markii saacadihii u dambeeyay labadaan dhinac ay sameeyeen dhaqdhaqaaq ciidan.

Ilo muhiim ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaallada ka socda Gobolka Amxaarada ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac iyo xaalad cabsi ah, inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah oo dadka wax ku noqday ah.

Labada Magaalo ugu weyn ee Gobolka Amxaarada ee kala ah Bahirdar & Gonder ayaa isaga cararay si ay naftooda uga badbaadistaan dagaallada xooggan ee ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kooxaha hubeysan.

Waxa ay dadkaan cabsi weyn ka qabaan hubka culus ee labada dhinac isku adeegsanayaan si aanay waxyeello uga soo gaarin, taasi waxa ay sababtay in ay barakac galaan waa sida ay ku doodeen qaar kamid ah qoysaskaas.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xaalad degdeg ah gelisay Gobolka Amxaarada oo isku dhacyo xooggan kasoo cusboonaadeen si marka hore xal loogu helo dagaallada halkaas ka socda sida ay sheegeen saraakiil katirsan Dowladdaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

220 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe