Sunday, June 21, 2026
HomeWararGudahaGanasade Dil Loogu Geestay Goobtiisa Ganacsi oo Ku Taalay Magaalada Baladweyne..

Ganasade Dil Loogu Geestay Goobtiisa Ganacsi oo Ku Taalay Magaalada Baladweyne..

Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen qorya ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dileen Madeer ibraahin xasan oo Kamid ahaa Ganacsatada Magaalada baladweyne.

Ganacsadaha oo lagu Magacaabi jiray Madeer ibraahin xasan ayaa dilkiisa waxaa uu ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne.

Dilkiisa ayaa ka dhashay kadib Markii Koox Hubeeysan ay Adeeg ka iibsadeeyn kuwaas oo la sheegay kadib in Lacagta ay diideen in ay bixiyaan.

Muran halkaasi ka dhashay ayaa Lagu dilay Sida dadka goobta ka agdhow ay u sheegeen warbaahinta.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaa dilkaasi kadib waxaa ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay amnigeeda waxaa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn,

Amaan-darada Magaalada Baladweyne ayaa gaartay Halka ugu Sareeysay.

QORAALADA LA XIRIIRA

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe