Tuesday, September 26, 2023
HomeWararDibaddaGalmudug oo War kasoo saartay Guulo ay gaareen ciidanka Dowladda iyo kuwa...

Galmudug oo War kasoo saartay Guulo ay gaareen ciidanka Dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa fariin hambaliyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug ka dib qabashadi Saakay ee degmada Bacaadweyne

Madaxweynaha ayaa aad u soo dhoweeyey guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka.

Madaxweyne Ciid ayaa ku amaanay ciidanka xooga, kuwa difaaca shacabka iyo daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuriida ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaanada Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow ,Xinlibi ,Galxagare ,Hul-doonyaale ,Sargo,Qodqod iyo camaara.

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ay ku baacsanayaan As ka wasa gobolka Mudug.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe