Friday, March 29, 2024
HomeWararGalmudug oo sheegtay in la qabtay mid kamid ah raggii Saraakiisha dilay

Galmudug oo sheegtay in la qabtay mid kamid ah raggii Saraakiisha dilay

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya & kuwa Maamulka Galmudug ayaa tan iyo xalay waday hawlgallo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dil wadareed duleedka degmada Balanballe  loogu gaystay saraakiil ka tirsanaa Ciidamada millateriga Soomaaliya.

Howlgalka oo laga sameeyay wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel & Balanballe ayaa  intii ay ku jireen Ciidamada waxaa la sheegay inay  gacanta ku dhigeen mid kamid ah maleeshiyaadkii kad ambeeyay weerarkaas, kaas oo watay qoray AK47 ah.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xaqiijiyay qabashada Ninkaas, waxaana uu sidoo kale sheegay in Ciidamada ay soo heleen laba Sarkaal oo la weeysnaa, isaga oo  u tacsiyadeeyay Saraakiishii ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee weerarka lagu dilay.

“Anigo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Galmudug waxaan marlabaad tacsi u diraya Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo dhamaan Qoysaska ay ka baxeen iyo Qaraabada, waxaan Allah ka baryaa in uu Samir iyo iimaan naga Siiyo dhamaanteen ayuu yiri” Cali Daahir Ciid.

Saraakiisha ka tirsanaa Ciidamada Milaletriga Soomaaliya ee lagu dilay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa saakay la’aasay, iayda oo aysan jirin Madax ka tirsan Galmudug oo Aaska ka qeyb-gashay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe