Tuesday, April 21, 2026
HomeWararGalmudug oo diyaarinaysa Ciidamo Al-Shabaab ka saara degaanada ay ku sugan yihiin

Galmudug oo diyaarinaysa Ciidamo Al-Shabaab ka saara degaanada ay ku sugan yihiin

Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka General Maxamed Cadoow Cali “Sanka” oo kormeer shaqo kumaraya fariisimaha Ciidamada ayaa maanta kormeer Ku gaaray Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel.
Harqaboobeka mid ah Xeryaha Tababarka Qaybta 21-aad oo ay Ku jiraan ciidamo in mudo ahba uu usocdey tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar garoobo howlgalada lagu xoraynayo deegaanada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug .

Saraakiisha Dugsiga Har-qaboobe ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha Qaybta xaalada Ciidamada xeradan kujira, iyagoo tilmaamey in lagu guuleestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay haatana la joogo waqtigii laga faa’iideysan lahaa tababarka Sare ee ay qaateen.
Taliyaha Qaybta 21-aad Gen. Sanka ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey, waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe