Home Warar Galmudug oo bilaawday xalinta Beelo dagaalamay

Galmudug oo bilaawday xalinta Beelo dagaalamay

48

Wasiirka Wasaraadda Arimaha gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel) ayaa ka qayb galay shir looga arinsanayay nabadda iyo isdhexgalka bulshada oo ay soo qaban qaabiyeen laba beelood oo walaalo ah oo colaad dhex-martay.

Shirka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balanballe iyo Xeraale waxaana shirkaas sidoo kale ka soo qayb galay xildhibaano heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Galmudug. Shirka ayaa laga soo saaray qodobo muhiim u ah Xasiloonida iyo Nabad kuwada noolaashaha dadka walaalaha ah ee deegaanka .

Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa muhiimad gaar ah siinaysa dib u heshiisiinta iyo nabad kuwada noolaashaha bulsha waynta Galmudug.