Gabdho Soomaali ah oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Mareykanka

0
196

Gabdho Soomaali ah ayaa goor dhow ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay wadada lagu magacaabo lake street ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, sida uu kusoo warramay Wariye Soomaali ah oo goobta shilka ka dhacay ku sugnaa.

5 Gabdhood oo saddex kamid ah ay isku qoys yihiin oo wada saarnaa gaari ayaa mar qura waxaa ku dhacay gaari kale oo marayay wadada lake street ee magaalada Minneapolis, waxaana xilligaas gabdhaha ay kasoo baxeen Suuq ku yaalla meel ku dhow goobta.

Ninka gaariga ku dhuftay gaariga ay waateen gabdhaha ayaa la sheegay inuu gaariga uu soo xaday, isla markaana gaariga uu ku waday xawaare dheereeya, waxaana la xaqiijiyay in 5 gabdhooda ee Soomaalida ahaa ee durbadii geeriyoodeen.

Booliska magaalada Minneapolis ayaa xiray wadada uu shilka ka dhacay, iyaga oo gacanta ku dhigay ninkii waday gaariga, Meydadka gabdhaha ayaana lagu wareejiyay eheladooda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in gabdhaha Soomaalida ee shilka ku dhintay ay isku diyaarinayeen xaflad qalin-jebin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here