Tuesday, August 4, 2026
HomeWararDibaddaGabar 13 Jir ah oo La Kufsaday .

Gabar 13 Jir ah oo La Kufsaday .

Waxaa isbitaalka guud ee degmada Balanballe hadda lagu dabiibayaa gabar qabalaha Ariqaruuf loogu gaystay kufsi wadareed ayna gaysteen sida la sheegay ciidanka liyuu police ee dawlad deeganka soomaalida.

Gabadhaan oo ahayd gabar yar oo ku jirta da’da 13 jirka ayaa la kufsaday shalay subax galinkii hore waxaana shalay Rati looga soo qaaday goobtii kufsiga loogu gaystay, waxaana xala saqdhexe gaari looga horgeeyay aag dhexe ayada oo la keenay isbitaalka guud ee degmada Balanballe.

Qaar ka mid aha shaqaalaha oo aan la xariiray ayaa ii xaqiijiyay in ay gabadha xaaladeedu aad u darantahay sidoo kalena waxay ii xaqiijiyeen in la waayay dawooyinka loogu tala galay gabdhaha la kufsaday oo ay kamid yihiin dawooyinka looga hortago xanuunada galmada lagu kala qaado.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe