Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray Isgoyska Imporotio Ceelgaabta ka dib markii ay ka shakiyeen Gaari lasoo dhigay Bartamaha Wadada.
Dadka Shacabka ah iyo Gawaarida ayaa loo diiday in ay maraan wadadaasi , maadaama Saraakiisha Amniga ay Gaarigaasi Qarax uga shakiyeen.
Gaariga ayaa la sheegay Muddo ku dhow Saacad in uu yaallay goobta.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya isgoyska ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska ee sida gaar ah u tababaran ay baaris ku sameeyeen gaarigii halkaasi yaallay ayna waxba ka waayeen.
Shaqsigii gaariga lahaa ayaa la sheegay in uu goobta kaga tagay,islamarkaana uu aaday Xaafad ku taalla degmada Xamar Jajab.
Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho.