Ugu yaraan 1 Qof ayaa dhintay, iyadoona tiro kale la soo badbaadiyay kadib markii Gaari Cagafcagaf uu maanta ku rogmaday Wabiga Shabelle.
Gaarigan oo ka mid ahaa Gaadiid lagu soo daabulayay dadka uu saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa la sheegay in uu ka dhacay Buundada Xaawo Taako magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ,xilli ay saarnaayeen tiro dad ah.
Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka magaalada Baladweyne ka bixiyay dhacdadaasi.
Wali waxaa Xiran Xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi waxaan ku go’doonsan illaa iyo 300 oo Qof oo isugu jira Caruur, Haween iyo dad da’ah.