Home Warar Faysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi ayaa keenay dhibaatada maanta ka taagan Somaliland”.

Faysal Cali Waraabe: “Muuse Biixi ayaa keenay dhibaatada maanta ka taagan Somaliland”.

19

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay kacsanaanta siyaasadeed iyo welwelka ka jira Deegaannada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in 30 sano kaddib Somaliland ay qarka u saaran tahay rabshado uu sabab u noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama uu ka dhega fureystay in uu qabto Doorashada ku waqtiyeysan 13ka November 2022.

Waraabe ayaa hadalkiisa sii raaciyay in cabsida ka taagan Somaliland uu sabab u yahay Madaxweyne Muuse, waxa uu soo jeediyay in la tixgeliyo dastuurka iyo nidaamka kale lagu heshiiyay si looga fogaado isku dhac & rabshado dhaca.

“Somaliland 30-sano kaddib waxa ay wajaheysaa xaalad adag, Beesha Caalamka waxa aan la wadaagay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sabab u yahay rabshada jira, Been ayuu u sheegay Beesha Caalamka, Somaliland waxa ay u baahan tahay in Doorasho ka dhacdo sidii loo qaban jiray oo kale” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Madaxweyne Muuse ku eedeeyay in markii uu arkay Guusha Mucaaradka uu ka gaaray Doorashada Golaha Wakiilada uu go’aansaday in uu ka caga-jiido qabashada Doorashada.

Lacag dhan $5 Milyan oo Doollar oo ah miisaaniyadda loogu talagalay Doorashada ayuu sheegay in lagu shubay koontada loogu talagalay, waxa uu dusha ka saaray eedeyn ah in uu ka shaqeynayo in isku dhacyo dhaca.

“Doorashada Madaxweynaha oo waxkasta u diyaarsan yihiin oo miisaaniyadda lagu shubay $5 Milyan oo dollar ayay markaas is qabteen Xisbiga Waddani oo Golaha Wakiilada qaatay, qaska isaga ayaa keenay, waa markii ugu horreysay ee Maleeshiyo hubeysan Hargeysa soo gasho” Sidaasi waxaa yiri Faysal Cali Waraabe oo la hadlay TV-ga Universal.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegtay in ay dhaqangelineyso nidaamka sameynta Axsaabta & ururrada Siyaasadda oo lagu diiwaangelinayo 45 cisho oo ka billaabaneysa 27ka June 2022 balse waxaa tallaabadaas diidan Xisbiyada Mucaaradka oo ku fasiray in lagu doonayo muddo kororsi.