Wednesday, April 29, 2026
HomeWararFarmaajo oo gaaray magaalada KINSHASA

Farmaajo oo gaaray magaalada KINSHASA

Madaxweynaha muddo xileedku ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ah ee Congo, halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.
Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee N’djili kusoo dhoweeyey Madaxda Dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegtay in safarka Madaxweynaha uu ku qotomo kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.
Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe