Home Warar Fanaanad Caan ah oo COVID-19 ugu geeriyootay Muqdisho

Fanaanad Caan ah oo COVID-19 ugu geeriyootay Muqdisho

78

Alle ha u Naxaristee waxaa Maanta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ku geeriyootay fannaanadii Caanka aheyd ee Hobolada Waaberi Faadumo Cali Nakruuma.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Faadumo Cali Nakruuma ay u geeriyootay Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus oo maalmihii la soo dhaafay ay la jiiftay Isbitaalka.

Horay Cudurka Coronavirus waxaa muqdisho iyo dalka dibadiisa ugu geeriyooday dad isugu jira  Fanaaniin, Ciyaartooy iyo Masuuliyiin xilal ka soo qabtay Dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida fanaanadii Canka aheyd ee Faadumo Cali Nakruuma oo Maanta ku geeriyootay muqdisho, iyaga oo Alle uga baryaya in uu Naxariistee janno ka waraabiyo.