Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaFaahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka...

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan

faafaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay  deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan kaas  ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo iskaashanaya iyo xubno ka tirsan kooxda As.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen kooxda, waxaana halkaas ku dhexmaray dagaal qaatay ku dhawaad  saacadood oo xiriir ah.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshe lama oga khasaaraha rasmiga ah intuu gaarsiisan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay ka saareen goobtii ay isku aruursanayeen xubnaha ka midka ah Shabaab, islamarkaana ay wabiga uga talaabeen dhanka Galbeed oo markii hore kooxdu kaga soo gudubtay dhanka Bari.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ay qeyb ka ahayeen dagaalka culus ee maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Jiciboow ee gobolka Hiiraan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe