Home Warar Faahfaahin Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ka bad-baaday isku day dil

Faahfaahin Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ka bad-baaday isku day dil

129

Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa ka bad-baaday isku day dil kadib markii xalay fiidkii Qarax miino loogu xiray gurigiisa.

Weerarkaasii ayaa waxaa ku geeriyooday saddex askari oo ka mid ahaa ilaaladii Wasiirka.

Qaraxa ayaa dhacay xilli inta badan askartiisa ay ku guriga kusoo xarootay, waxaana uu ahaa mid horay meesha loogu diyaariyay.

Wasiir Caydiid  ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana oo aysan jirin wax dhib ah oo isaga kasoo gaaray weerarkaasi.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidanka Jubbaland ay waddaan howlgallo lagu baadigoobayo kuwii kusoo qaaday weerarka loo adeegsaday Miinada.