Monday, June 22, 2026
HomeWararDibaddaFaahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa ka dhacay xaafada Jabad Geele oo ka tirsan deegaankaaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in bamka lagu weeraray xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo burbur u badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi, si ay gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay falkaasi.

Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax shalay lagu xiray xarun kale oo ay shirkaddan ku leedahay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, taas oo qayb ahaan burburtay.

Ma cadda sababta ka dambeysa weeraradaan is xig-xiga, balse inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weerarada noocaan oo kale ka fuliya gudaha dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe