Tuesday, March 18, 2025
HomeWararFaahfaahin kasoo baxaysa muwaadiniin Somaliyed oo lagu xiray dalka Tansaniya

Faahfaahin kasoo baxaysa muwaadiniin Somaliyed oo lagu xiray dalka Tansaniya

Sida ay qortay Jariiradda (The East Africa) waxaa dalka Tanzania ka soconaya howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dadka ajaanibta ah oo sida sharci darada ah ku galay dalkaasi,ka dib amaray ka soo baxay dowladda Dalkaasi.

Kangi Lugola oo isagu ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalkaasi Tanzania ayaa soo saaray amar uu siinayo laamaha socdaalka iyo amniga oo ah in ay gur guri uga baalaaran dadka soo galootiga ah ee dalkaasi,si looga hortago.

Meelaha ugu badan oo dowladdu ay sheegtay in dadkaasi  inta badan ay ku dhuuntaan waxaa kamid ah Goballadda Kagera iyo Kigoma kuwaasi oo xad dhow la wadaaga dalalka Rwanda,Burundi Uganda iyo Kongadda Dimuqraadiga,xili dalkaasi ay ku soo food leeyihiin doorashooyinkii hoose ee deegaanada.

Howlgal ay dhawaan sameeyeen ciidamada ammaanka iyo ilaalada xuduudaha dalkaasi ayaa waxaa ay ku qabteen 11 muwaadiniin Soomaali ah,kuwaasi oo dowladdu ay sheegtay in ay kamid yihiin dad sharci daro ku galay dalkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe