Wednesday, April 22, 2026
HomeWararGudahaFaahfaahin: Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla Bariire + Khasaaraha

Faahfaahin: Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla Bariire + Khasaaraha

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ATMIS ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Bariire ee gobolkaasi, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo ku dhaqan gudaha deegaankaasi.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay guri ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Sida uu sheegay mid kamid ah ehellada dadka waxyeelada soo gaartay waxaa guriga uu ku dhacay hoobiya ku dhaawacmay hooyo, aabe iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen.
Shanta qof ee isku qoyska ah ayaa haatan lasoo gaarsiiyay gudaha magaalada Muqdisho, si looga dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray guriga ay daganaayeen qoyska oo ahaa danyar, taas oo uga sii dareyso dhibaatada soo gaartay dadkaasi.

ATMIS ayaa lagu eedeeyay inay marqibadii uurto madaafiic, taas oo ay walaac ka muujinayaan dadka deegaanka oo haatan uu khasaare soo gaaray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe