Saturday, October 24, 2026
HomeWararGudahaFaah-faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Sh/Hoose.

Faah-faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Sh/Hoose.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah xilli uu marayay deegaanka Doonka oo u dhexeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa saddex qof halka uu ku dhaawacmay qof kale oo kamid ahaa rakaabkii la socda gaariga oo kusoo jeeda dhanka degmada Afgooye.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee waxyeellada kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ka dhacay halkaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo bartilmaameedsata ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe