Wararka inaga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta ay Shabaab weerareen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi.
Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ayaa waxa uu socday ku dhawaad muddo Hal saac ah, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo helay gurmad dheeraad ah ayaa waxaa u suuragashay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil qaabilsan ammaanka ayaa  sheegay in weerarkaasi ay ku dileen ilaa laba dagaalame oo Shabaab ka tirsanaa, sidoo kalena ay dhaawaceen ilaa Saddex kale.
Al-shabaab weli kama aanay hadlin weerarkan saraakiisha ciidana xoogga dalka ay sheegeen in ay ku dileen xubno Shabaab ah.
Shabaab ayaa u muuqda kuwo mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan degmooyinka ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, welina Dowladda qorshe ay weeraradan wax kaga qabaneyso lama aysan imaan.