Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa DFS barqanimadii maanta lagula eegtay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen Askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Waxaana la sheegay in qaraxu ka dhacay agagaarka Saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu yaraan illaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.
Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.