Tuesday, September 26, 2023
HomeWararfaah faahin laga helayo dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

faah faahin laga helayo dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Xaafad katirsan degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir waxaa ay kudileen Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar khaliif Xasan, iyaga oo dilka kaidb goobta ka baxsaday.

Mas’uulka ayaa xilliga la dilayay kasoo laabtay howlo Shaqo oo uu u tegay meelo kamid ah degmada Deeyniile, waxaana la sheegay in raggii hubeysnaa ee dilay ay horay u sii qaateen Gaari uu watay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen warbaahinta in goobta dilka uu ka dhacay inay tageen Ciidamo katirsan laamaha Amniga, kuwaas oo goobta ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan gacanta ku dhigin.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar khaliif Xasan ayaa maalmihii la soo dhaafay ku hwlanaa gurmad gaarsiinta dadka Abaarta iyo dagaallada uga soo barakacay qaar kamid ah gobolada dalka, kuwaas oo ku sugan meelo kamid ah degmada Deeyniile.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe