Friday, April 19, 2024
HomeWararFaah-Faahin:- Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta kusoo Dhigay Labo Ruux

Faah-Faahin:- Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta kusoo Dhigay Labo Ruux

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku toogteen labo ruux.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Labada ruux ee ay dileen ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay hubeysnaayeen ,islamarkaana ay diideen in ay hubka dhiggaan siddaasna lagu dilay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Kooxaha hubeysan ay dhac ka waddeen Xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley.

Sidoo kale waxaa uu sheegay ruuxaasi ka midka ah dadka degaanka in iska horimaad uu dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Kooxaha hubeysan ka hor inta aan la dilin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe