Home Warar faafaahin:Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degmada Afgooye

faafaahin:Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degmada Afgooye

90

Dagaalka ayaa waxaa uu xalay ku dhex-maray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Xubno kamid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab weerareen bar-koontorool oo Ciidamada Mailletriga ku leeyihiin halka loo yaqaano Mukayga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana dagaal ay la galeen ay khasaaro ku garsiiyeen.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM intii uu dagaalka socday ay tiro hoobiyeyaal ah ku tureen dhinaca ay dagaalka ka soo qaadeen Al-Shabaab, wallow aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaray degmada Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu yahay mid caadi ah.