Friday, April 19, 2024
HomeWararfaafaahin:Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay degaan ka tirsan Gobolka Mudug.

faafaahin:Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo la wareegay degaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay xalay la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.
La wareegitaanka Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waaa uu yimid kadib markii habeen ka hor ay degaankaas isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku haayay.

La wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degaanka Bacaadweyne ayaa waxaa uu saameyn ku yeelan doonaa isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Magaalooyinka, Cadaado, Hobyo iyo Gaalkacyo.
Al-Shabaab ayaa Baraha taageera ee Internet-ka waxaa ay kusoo qoreen inay si nabad ah kula wareegeen degaanka Bacaadweyne, isla markaana xilligan wixii ka dambeeya ay mamuli doonaan, waxaana weli ka hadlin laamaha Amniga Maamulka Galmudug.
Dhowr jeer ayaa degaanka Bacaadweyne waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda gar ahan qeybta 21aad oo garab ka helayay dadka degaanka iyo Al-Shabaab, taas oo sababtay inay degaankaas la difaaco.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe