Friday, April 19, 2024
HomeWararfaafaahin:Mas’uul lagu dilay Kismaayo & Jubbaland oo ka hadashay{AKHRISO}

faafaahin:Mas’uul lagu dilay Kismaayo & Jubbaland oo ka hadashay{AKHRISO}

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa xalay lagu dilay Maareeyihii dekadda Magaalada Kismaayo, kaas oo lagu Magacaabi jiray Cawil Cali Bare iyo dad kale oo shacab ahaa.
Maareeyaha iyo dadka Shacabka ah ayaa ku dhintay israsaaseyn Bar-koontorool oo ku taalla agagaarka Hoyga uu Magaalada Kismaayo ka degan yahay Maareeyaha ku dhex-martay Ciidamo ka kala tirsan Nabadsugida iyo Booliska jubbaland, sida ay Risaala u sheegeen dadka Magaalada Kismaayo.

Allaha u Naxariistee Maareeyihii dekadda Magaalada Kismaayo Cawil Cali Bare ayaa sidoo kale kamid ahaa Ganacsatada Magaalada kismaayo, waxaana Jubbaland ay sheegtay inay baareyso israsaaseynta uu ku dhintay Maareeyaha.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa looga tacsiyadeeyay ehellada iyo Saaxiibadii uu ka baxay Maareeyihii dekadda Magaalada Kismaayo, isla markaana ay baaritaan ku hayaan sababta keentay is rasaaseynta uu ku dhintay Maareeyaha.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hoiray siyaabo kala duwan logu dilay, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, Ganacsato iyo dad Shacab ah, dilalkaas oo ilaa iyo hadda aan dad loo qaban.

 

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe