Tuesday, March 18, 2025
HomeWararfaafaahin:Labo dhalinyaro ah oo lagu dilay Boosaaso

faafaahin:Labo dhalinyaro ah oo lagu dilay Boosaaso

Laba dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday isku-dhac dhallinyaro-xafadeed oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dilka labada dhalinyarada ah ee geeriyootay ayaa loo adeegsaday Toorey, waxaana taliska Ciidanka Booliska ay sheegeen in ay ku waddaan baaritaano sida ay wax u dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka booliska ay qabteen qaar ka mid ah dhalinyarada ka dambeysay dilka, islamarkaana ay ku xireen saldhig ku yaalla Boosaaso oo hadda ay ku bilaabeen baaritaano.

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada ayaa ugu baaqay bulshada in ay muujiyaan xasilooni, islamarkaana baaritaano rasmi ah lagu sameyn doono sidda ay wax u dhaceen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe