Waxaa kordhay Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii xalay kadhacay Magaalada Beledweyne, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan iyo kuwa uu hoggaaminayay Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.
Dagaalka ayaa yimid markii sida la sheegay ciidamada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ay ku yimaadeen Waddo u xirneyd Nuur Dheere oo ku taal Xaafada Kooshin ee Magaalada Beledweyne, waxaana dagaalka uu socday ku dhawaad Saddex Saacadood.
Sida ay aay Shaqaalaha Caafimaadka xaqiijiyeen ugu yaraan Shan qof oo isugu jirto dhincayada dagaalmayay iyo dad Shacab ayaa Dagaalka ku Geeriyooday 12 qof kalana dhaawacayo ayaa kasoo gaaray, waxaana dhaawacyada qarkood ay yihiin kuwo culus.
Dadka la xaqiijiyay inay dagaalka dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ayaa waxaa kamid ah Macalin Cadoow Khaliif iyo Maxamed Cilmi halka uu ku dhaawacmay Xasan Tarsan oo kamid ah Ciidamada.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Magaalada laga dareemayo saameynta uu ku reebay dagaalka.

