Friday, March 29, 2024
HomeWararfaafaahin:Duqeyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Jubbooyinka

faafaahin:Duqeyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Jubbooyinka

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashey duqeyn dhanka cirka ah oo dhacday degaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka laguna beegsadey Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Soomaaliya waxaa ay sheegeen in lagu dilay Sarkaalkii Madaxda u ahaa Ajaanibta Al-Shabaab,  kaas oo Magaciisa lagu sheegay Sheekh Thaabit iyo saraakiil la socotey.

Duqeynta 1aad oo ka dhacday degmada Jilib ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda sheegeen in lala beegsadey Saddex Xarumood oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay duqeyntaas.

Dhinaca kale Wararka la helay ayaa sheegaya in  diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helecopter-ka ay duqeymo ka geysteen Saldhig ku yaala degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose xilli ay Al-Shabaab isku diyaarinayeen in ay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni sida laga soo xigtey saraakiil katirsan hay`adaha Ammaanka Soomaaliya

Ugu dambeyn Saraakiisha Hay’adaha Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame lagu burburiyay Todobo gaari oo nooca dagaalka ah, balse aan la xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Mareykanka ayaa kordhiyay labadii todobaad ee soo dhaafay duqeymaha dhanka Cirka ah, xilli intooda badan Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe