Home Warar Faafaahin:Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiran

Faafaahin:Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiran

145

Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu xaaly ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada amnigga dowladda federaalka iyo maleeshiyaad afduubtay dad shacab ah.
Dagaalka ayaa ka dhacay jidka dheer ee Miir-qaasim ee dhanka qorax dhaca uga baxa Degmada Matabaan, halkaa oo ay Ciidamada Booliisku Weerareen Koox hubeysan oo jidka u gashey gaadiid safar ah oo ka yimid dhanka magaaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Saraakiisha Booliiska ee halkaa gaarey ayaa sheegay in ay furteen dad Maleeshiyaadku doonayeen in dilaan.
Dadka la afduubtay waxaa ku jiro haween iyo carruur sida ay soo sheegayaan goobjoogayaal.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad.