Home Warar faafaahin:Dad ku dhintay qarax degaan ka tirsan Gobolka Bakool

faafaahin:Dad ku dhintay qarax degaan ka tirsan Gobolka Bakool

29

Saddex qof oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur ee Gobolka ku geeriyoodey ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay xaqiijiyeen ehelada dadka geeriyooday oo meesha ka dhawaa
Lama oga nooca walxaha qarxey mana aheyn wax iyaga loo dhigey, hayeeshee dadka tuulada waxay sheegeen in gumac rasaas ay umaleeyeen hoobiye aan qarxin goobta qaraxa ka dhacay uu ooli jiray

Dadka dhintay qaarkood ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegayCumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed ayaa ahaa Waaldiiin, waxaana ifka uga tageen shan iyo toban Carruur ah iyo Saddex xaas, halka gabadha oo 17 jir aheyd dhaawac halis ah ka soo gaarey qaraxa ka dibna isbitaalka xuddur ugu geeriyootay.
Walxo qarxa oo bulshada aan aqoon ulaheyn ayaa inta badan lagu arkayaa tuulooyinka iyo deegaanada kale maadaama dagaalo ka socdaan cid dadka ka wacyigelisana aysan jirin, waxaana ay inta badan dhibaato kasoo gaartaa dad u badan Carruur.