Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaFaafaahin: qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Faafaahin: qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho.

Nin haligay naftiisa oo soo xirtay Jaakadda Qaraxda ayaa isku miidaamiyey Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Marka.

Qaraxaan ayaa wax yar ka hor salaadii Makhrib ka dhacay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana la beegsaday masuulkaas kaliya.

Ninka is-miidaamiyey iyo Cabdikariin oo kaliya ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhinteen, waxaana la sheegay in masuulka la beegsaday uu ka soo jeeday Dhuusamareeb.

Afarsheegle wuxuu muddo kasoo shaqeynayey gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu ahaa waaya joog wax badan og, sida ay  u xaqiijiyeen warbaahinta dad aqoon u lahaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe